849 Views

Xaaladda Abaarta Somaliland oo laga deyriyey

Xaaladda Abaarta Somaliland oo laga deyriyey
____________________________________________________________________________


Axad: April 24, 2022

Gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee Jamhuuriya goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa maanta sheegay in xaaladda abaarta ay marba marka ka sii danbaysa sii xumaanayso, maadaama labadii xilli roobaad ee hore aanay si wanaagsan u di’in roobabkii la filayay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddigaas, ayaa intaasi ku daray in dadka ay abaartaasi saamaysay ay kor u dhaafayaan in ka badan hal milyan qof, oo u badan dadka reer miyiga ah.

Cabdiraxmaan Saylici, ayaa dhanka kale sheegay maadaama xaalku adag yahay, ayna taagan tahay masiibadii suuqa Waaheen, haddana tani ka saamayn badan tahay ay tahay in loo jeesto gargaaridda dadkaasi ay abaartu halakaysay.

Wuxuuna guddoomiayaha uu shacabka Somaliland uu ugu baaqay in maalinta Isniinta ah roob doon la isugu soo baxo si Alle loo baryo.

Abaarta sameynta adag yeelatay ee ka taagan Somaliland waxay saameysay dad gaaraya 1.5 malyan oo qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post