291 Views

Dowadda Somalia oo Al-Shabaab ku eedeysay inay ka dambeeyaan dagaal Beeleedyada

Dowadda Somalia oo Al-Shabaab ku eedeysay inay ka dambeeyaan dagaal Beeleedyada
____________________________________________________________________________

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in markii laga awood roonaaday Al-Shabaab ay bilaabeen inay iska hor keenaan Beelaha Soomaaliyeed.

Wasiir kuxigeenka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ogaadaan in si dadban u isticmaalayaan Al-Shabaab, Isla markaana taasi ay ka feejignaadaan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya wuxuu sheegay inay ku daba jiraan dad Al-Shabaab u qaabilsan iska horkeenida Qabaa’ilka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay adeegsanayaan dad Siyaasiyiin ah.

Hadalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaalla ayaa kusoo aadaya xilli meelo kamid ah dalka ay ka bilaawdeen kacdoon Shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post