864 Views

Arrinta ugu weyn ee ay Ukraine u soo bandhigayso wefdiga Mareykanka ee booqanaya Kyiv

Arrinta ugu weyn ee ay Ukraine u soo bandhigayso wefdiga Mareykanka ee booqanaya Kyiv
____________________________________________________________________________


Axad: April 24, 2022

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shaaciyay in xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo xoghayaha gaashaandhigga ay maanta booqasho ku tegayaan caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Waxayna u badan tahay in Zelensky uu masuuliyiintan weydiisan doono hubka culus inta lagu guda jiro kulanka, iyada oo uu horay u sheegay in hubka uu muhiim yahay dadaalka dagaalka Ukraine. “Waxaan ka hadli doonaa hubka aan u baahan nahay iyo waqtiga la geynayo,” ayuu yiri Sabtidii.

Mr Zelensky waxa kale oo uu sheegay in ku dhawaad ​​nus milyan qof — oo ay ku jiraan ugu yaraan shan kun oo carruur ah — laga soo tarxiilay qaybo ka mid ah Ukraine gaar ahaan meelaha uu Ruushku qabsaday, lana geeyey dhulka Ruushka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa cambaareeyay Ruushka kadib markii uu gantaal ku garaacay dhismo ay dad daganaayeen oo ku yaalla magaalada Odesa. Sideed qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Guddoomiyaha gobolka ku yaalla bariga Ukriane ee Luhansk ayaa sheegay in lix qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha Ruushka uu ka geystay tuulada Girske.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post