885 Views

Qaali Maxamuud oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed oo ka soo hor jeesatay guddiga uu Farmaajo magacaabay

Qaali Maxamuud oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed oo ka soo hor jeesatay  guddiga uu Farmaajo  magacaabay
____________________________________________________________________________

.


isniin: September 13, 2021

Hooyada dhashay IKaan Tahliil oo ay dishay hay’adda NISA ayaa gaashaanka u daruurtay Warqad Wiifto ah oo ka soo baxday Villa Somaliya.

Maamo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed ayaa ku tilmaantay Warqada uu soo saaray Madaxweynaha  waqtigiisa dhamaaday mid lagu qoslo.

 “Guddigan waa qiyaamo Farmaajo damacsan yahay in eedeymaha looga leexiyo shaqsiyaadka dilay gabadheyda, kumana kalsoonaan karno, dadkii dilayna Ikraana cadaalad kama sugeyno” ayey tiri Ikraan Tahliil hooyadeed.

about:blank  “Farmaajo shaqsiyaadka dilay gabadheyda  ee kala ah Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey ayuu difaacay, xilal sarena u magacaabay, Guddigana waa talaabo kale oo uu doonayo inuu kiiska dariiqa saxda ah uga leexiyo, taasna nama mareyso” ayey tiri Maamo Maamo Qaali Maxamuud Guhaad oo ugu baaqday Farmaajo inuu faraha kala baxo arrimaha gabadheeda, iyadoo sheegtay iney ku kalsoon tahay RW Rooble iyo heyadaha cadaalada dalka oo dacwadeeda ay horey ugu gudbisay.

Sidoo kale warqadan ka soo baxday Villa Somaliya ayaa ah mid ay dadka la yaabeen, maadaama Raisal wasaare Rooble uu u saaray in kiiskaan ay baaraan Maxkamada Ciidamada qalabka sida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post