1932 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Guddiga Amniga iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay Guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midowga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalkooda.

Intii uu socday kulanka, ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ku aadan soo kabadashada iyo horumarka dalka Soomaaliya ayna muhiin tahay in rajadaas laga mira dhaliyo, isaga oo xusay in dowladda oo ay ka go’antahay in ay fuliso dhamaan qorshayaasha horumarinta dalka.

Safiirrada midawga Yurub ee ku sugnaa kulanka ayaa waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersanyihiin qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in sida ugu fudud loo hirgeliyo, iyaga si qota dheer u fahmay caqabadaha soo wajihi kara Dowladda inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasheeda.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in €100 milyan oo Yuuro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in €80 milyan oo Yuuro midawga Yurub uu ku bixiyo dadaalada xasilinta dalka iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM.

Lacagta sida tooska ah loo siinayo dowladda iyo tan lagu bixinayo Barnaamika xasilinta waxaa la ansixinayaa dhamaadka Bishan May, iyada doodaha la xariira ka baaraan degidda taageerada joogtada ah ee ciidanka AMISOM ay sii socon doonaan ilaa dhamaanta bisha June ee sanadkaa.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment