861 Views

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Masar oo geeriyooday

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Masar oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 10 2020–Alle ha u Naxariistee Waxaa dalka Kuwait ku geeriyooday Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo wadamada Jaamacadda Carabta Cabdi Qani Maxamed Waceys.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in safiirka uu qabay uuna la xanuun sanayay Cudurka Macaanka ama Sokorta oo kamid ah Cudurada daaha.

Cabdi Qani Maxamed Waceys ayaa ahaa Diblomaasi muddo dheer ka soo dhaqeeyay arrimaha dibadda laga soo bilaabo sanadkii 1970,iyada oo uu dalal dhowr ah Safiir kasoo noqday.

Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkii 2019 u yeertay safiirka in uu dalka kusoo laabto sababo la xiriira in isbedel lagu sameeyo balse aysan suurtagelin,waxaana uu xilligaas wixii ka dambeeyay uu ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment