891 Views

Turkiga oo lagu boorriyay inuusan mar kale soo iibsanin qalab milatari oo Ruushku leeyahay

Turkiga oo lagu boorriyay inuusan mar kale soo iibsanin qalab milatari oo Ruushku leeyahay
____________________________________________________________________________


Isniin: September 27, 2021

Mareykanka ayaa ku boorriyay Turkiga inaysan mar kale soo iibsanin qalab milatari oo Ruushku leeeyahay ah kadib markii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay inuusan ka baaqsan doonin inuu iibsado qaybtii labaad ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka oo ah kuwa horumarsan.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqay Turkiga inay ka takhalusaan gantaalaha ee S-400 iyo inaysan iibsan wax intaas ka badan ama halis u horseedi karta cunaqabateyn dheeraad ah.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in difaaca gantaallada uu halis ku yahay diyaaradahooda dagaalka ee F-35. Isagoo la hadlayey CBS News, Mr Erdogan wuxuu sheegay in qofna uusan faragelin karin xulashooyinka Turkiga ee soo iibsiga difaaca.

Turkigu wuxuu helay shixnaddiisii ugu horraysay ee S-400 laba sano ka hor, taasoo keentay in Washington ay cunaqabatayn ku soo rogto xulafada NATO.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post