306 Views

Maxkamad sare ee Turkiga oo diiday dalab uga yimid mid ka mid ah xisbiyada waaweyn

Maxkamad sare ee Turkiga oo diiday dalab uga yimid mid ka mid ah xisbiyada waaweyn
____________________________________________________________________________

 

Khamiis January 26 2023 

Maxkamada sare ee dalka Turkiga ayaa diiday codsi uga yimid xisbiga HDP ee taageera Kurdiyiinta, kaasoo ahaa in aan go’aan laga gaarin isku day meesha looga saarayo ilaa doorashada la qabanayo bisha May.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamadda dastuuriga ah ka codsaday in xisbiga laga mamnuuco xiriirka uu l’a leeyahay Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan ama PKK oo dowladdaha Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ay u arkaan urur argagixiso.

HDP waa xisbiga saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka. Codbixintii la dhiibtay ayaana lagu sheegay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AK ay ku guul darreysan karaan doorashada haddii xisbiga HDP uu la gacan saar la yeesho isbaheysiga mucaaradka ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post