1365 Views

Sawirro:-Wasiir Ka Tirsan Dowladda Finland Oo Weerar Ka Badbaaday

Sawirro:-Wasiir Ka Tirsan Dowladda Finland Oo Weerar Ka Badbaaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  25, 2019 –Wasiir ka tirsan Dowladda dalkaasi ayaa la sheegay in shalay la cabsi-geliyey, xilli uu ka qeyb galay Dibadbax Doorasho.

Booliska ayaa sheegay in nin aan la aqoonsanin uu u  hanjabay Wasiirka oo isagu baxsaday iyadoo aysan dhawaacyo soo gaarin.

Boliska ma aysan carabaabin magaca Wasiirka loo hanjabay, balse, Sawir-qaade sawiro ka soo qaaday Dibadbaxaasi ayaa sheegay in Wasiirka la cabsi-geliyey ahaa Wasiirka Arrimaha dibedda ee Finland oo lagu magacaabo Timo Soini.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda wax hadal ah kama aysan bixinin arrintaasi.

Afhayeenad u hadashay Wasiir Timo Soini oo ay Wakaalladda Wararka REUTERS la xiriirtay wey ka gaabsatay inay ka hadasho dhacdadaasi.

Warbaahinta iyo Booliska dalka Finland midna wax faahfaahin ah kama aysan bixinin haddii Ninka weeraray Wasiirka  uu hubeysnaa, kadib hanjabaadda uu Wasiirka ku siiyey Dhacdadaasi oo ka dhacday Suuqa ku yaalla Deegaanka Korso Waqooyiga caasimadda dalkaasi ee Helsinki.

Ciiddan ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa la sheegay inay garba-duub u xireen ninka weeraray Wasiirka, kaasi oo watay shaar madow oo ay ka muuqatay Calaamadda Koox ka soo horjeeda Muhaajiriinta ku nool dalka Finland, oo la magac baxeen Ciiddankii Odlin.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment