840 Views

SAWIRO:-RW Kheyre oo Dooxa kula kulmay Wafdi ka socda Mareykanka

SAWIRO:-RW Kheyre oo Dooxa kula kulmay Wafdi ka socda Mareykanka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 14 , 2019 | QOL |   –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha 19-aad ee Dooxa.

 

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

 

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

 

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

 

Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment