2370 Views

Dowlada Maraykanka Oo Xaqiijisay Duqeyn ay ka Geystay Koofurta Soomaaliya

Dowlada Maraykanka Oo Xaqiijisay Duqeyn ay ka Geystay Koofurta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 27, 2017 –War Saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeyn ka geysteen Koofurta Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in duqeyn ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Maraykanka iyo ciidamada Milatariga Soomaaliya 24ka bishan December lagu diley illaa 13 ka tirsan ururka Al-Shabaab.

War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii wadi doonaan duqeynta ay ku hayaan ururka Alshabaab iyagoo kaashanaya ciidamada dowlada Federalka Soomaaliya.

Hase yeeshee qoraalkan ayaan lagu sheegin goobta la duqeeyay balse waxaa lagu sheegay in duqeyntan ay tahay mid lagu qaaday Koofurta Soomaaliya.

Ciidamada Maraykanka ayaa hore duqeyn ugaga geystey Koofurta Soomaaliya tan iyo markii uu la wareegay madaxtinimada dalka Maraykanka Donald Trump  waxaa kordhay duqeynta ay ciidamada Maraykanka ka geysanayaan dalka Soomaaliya.

qqqqqqqqqqqqq

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment