129 Views

Xildhibaano wado Mooshin ku wajahan iska horimaadka NISA iyo HORMUUD

Xildhibaano wado Mooshin ku wajahan iska horimaadka NISA iyo HORMUUD
____________________________________________________________________________

Muqdisho -– Xiisadda xooggan ee ka dhex aloosan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA iyo Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud, ayaa gaartay Baarlamaanka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay xiisaddan, ayaa shaaciyay in ay mooshin ka gudbin doonaan wasaaradda amniga iyo madaxda NISA.

Xildhibaan Cabdalle Maalik oo kamid ah xubnaha baarlamaanka geynaya mooshinkan, ayaa waxa uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo diyaarin doonaan mooshinkaas oo loogu yeerayo saraakiisha sare ee hay’adda.

“Anaga oo ka duulayna ilaalinta dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobka 10-aad waxaan soo diyaarin doona mooshin loogu yeerayo saraakiisha hay’adda (NISA),” ayuu yiri Xildhibaan Cabdalle Maalik.

Xiisaddan ayaa sidoo kale waxay gaartay madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu soo gaabiyay safarkii Dhuusamareeb, islamarkaana shalay galab deg deg ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Maxay salka ku haysa xiisadda NISA iyo Hormuud?

Xiisadda ka dhex aloosan Hay’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud ayaa salka ku haysa dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus oo ay bixiso shirkadda.

Maamulka shirkadda Hormuud ayaa shalay hay’adda NISA ku eedeeyay ku tagri-fal awoodeed iyo weerar ka dhan ah, inkasta oo NISA iska fogeysay inay xad-gudub kula kacday Hormuud.

“Nasiib-darro, ciidankii soo galay xaruntaas (Hormuud-Tareebiyaano) waxay geysteen khalkhalgelin iyo ku takrifal awoodeed, waxayna xabsiga dhigeen seddax (3) ka mid ah maamulkii Shirkadda, iyaga oo aanan wadanin fasax maxkamadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay shalay soo saareen maamulka Hormuud.

Hormuud ayaa sheegtay in aysan bixinayn xogta macaamiisha oo ay u aragto sharci darro, halka NISA ay sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada, islamarkaana ay soo xirtay qaar ka mid ah howl-wadeennada shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada hay’adda.

“Halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada NISA ayaa sidoo kale shalay saacado kooban xirtay xarunta weyn ee shirkadda Hormuud iyo sidoo kale xarunta Salaam Bank ee suuqa Bakaaraha.

Xariirro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha sare ee NISA iyo Hormuud nooma suurta-galin in aan ka helno faah-faahin intaas ka badan.

Hormuud ayaa bilihii u dambeeyay wajaheysa weeraro aysan jirin illaa hadda cid sheegatay, kuwaasi oo lagu qarxiyay xarumo dhowr ah oo shirkaddu ku lahayd Muqdisho iyo daafaheeda, iyo sidoo kale gaadiid ay laheyd shirkadda.

Shirkadda ayaa horey u xaqiijisay in weeraradaas looga dilay tiro ka mid ah shaqaalaheeda, halka kuwo kalena la dhawaacay, waxaana loo badinaya in ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post