324 Views

Imaamka Masjidka Al-Azhar Masar oo sheegay in shareecada ka soo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afghanistan looga mamnuucay jaamacadaha

Imaamka Masjidka Al-Azhar  Masar oo  sheegay in shareecada ka soo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afghanistan looga mamnuucay  jaamacadaha
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 24, 2022

Imaamka weyn ee Masjidka Al-Azhar ee Masar ayaa sheegay in shareecada uu kasoo horjeedo in uu kasoo horjeedo go’aanka gabdhaha reer Afghanistan looga mamnuucay inay wax ka dhigtaan jaamacadaha dalkaas.

Shekh Axmed Al Tayeb oo lagu tilmaamo in uu yahay waddaaadka ugu sameynta badan muslimiinta suniga ah ayaa ku baaqay ragga iyo dumarka inay wax bartaan.

Wuxuu ku tilmaamay go’aanka mid naxdin leh, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Taliban inay ka laabtaan go’aanka.

Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii Taliban ay haweenka ka mamnuucday inay wax ka bartaan jaamacadaha ku yaalla Afghanistan ilaa amar dambe.

Waxay amar ku siiyeen jaamacadaha inay qaabilin gabdhaha.

Tallaabadan ayaa horseeday qeylo dhaan caalami ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post