885 Views

Chelsea oo ku guuleysatay horyaalka UEFA Champions league markii ay 1-0 uga adkaatay Manchester City

Chelsea oo  ku guuleysatay horyaalka UEFA Champions league markii ay 1-0 uga adkaatay Manchester City
____________________________________________________________________________

May 30 2021

Kooxda Chelsea ayaa xalay  ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league, markii ay 1-0 uga adkaatay kooxda ay Ingiriiska kawada dhisan yihiin ee Manchester City.

Chelsea waxaa guusha u horseeday da’yarka reer Jarmal ee Kai Havertz oo daqiiqadii 42-aad ee qeybtii hore ciyaarta goolka u dhaliyey.

Waa markii labaad taariikhda (2012-2021) oo Chelsea ku guuleysato tartanka horyaalka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league.

Manchester City oo ku haminaysay in ay sanadkan markii ugu horreysay ku guuleysato Champions league ayaa weli inkaari ka haysataa tartankan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post