807 Views

Wasiirada Caafimaadka maamul goboleedyada iyo DFS oo shir uga furmay Muqdisho

Wasiirada Caafimaadka maamul goboleedyada iyo DFS oo shir uga furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Waxaa manta oo ah 21 December 2020 bilawday Shirka Wadatashiga Waasaaraddaha Caafimaadka ee Maamul Gobaleedayda Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan Wasaaradaha Cafimaadka maamuladda Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, GalMudug iyo Hirshabelle  Shirkan oo socon doona 21 ilaa 23 December ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Arimaha wadashaqeynta iyo mas’uuliyaadka ay kala leeyihiin Wasaaradaha Caafimaadka heer Federal & heer Maamul Goboleed.

Sidoo kale waxaa lagawada niqaashi doonaa  nidaamka Isku-xira  Caafinmaadka & Xog is-dhaafsiga (Coordination & Communication) ee kuwada shaqyeeyaan  Wasaaradda Caafidmaadka XFS, Wasaaradaha Caafimaadka Maamul Goboleeydada & Hay’adaha bahwadaagta ee Soimaaliya ka caawiya  horumarinta adeega caafimaadka dalka.

Inta uu shirku socdo waxaa la isweydaarsan doonaa warbixino la xiriira mashriicda hada socota iyo kuwa bilaaban doonaa, waxaana  siwadajir ah loo diyaarinaya qorshaha  hawleedka sandka  2021 iyo  halbeegaydiisa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post