282 Views

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo shalay ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo  shalay ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12- 2023 

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa Arbacadii shalay ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi, xilli uu qaabbilayay safiirka cusub ee Ankara, taasoo calaamad kale u ah xiriirka dalalkaasi oo dhawaanahan soo wanaagsanaanayay.

Sannadkii lasoo dhaafay, Herzog, ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo booqasho ku taga Turkiga tan iyo 2008-dii, kadib markii ay labada dal billaabeen inay soo celiyaan xiriirkooda, soona afjaraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo jiitamayay in ka badan 10 sanno.

Labadan dal ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u magacaabaan safiirro bishii Ogosto. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii November, waxayna isaga iyo Erdogan ku heshiiyeen inay sii wanaajiyaan xiriirka.

“Waxaan hubaa inaan dhammaanteen ka shaqeyn doonno xoojinta xiriirka dalalkan,” ayuu yiri Herzog.

Kusoo laabashada Netanyahu ee xukunka Israel ayaa kicisay Falastiiniyiinta iyo xulafada reer galbeedka iyo Carabta kuwaas oo ka cabsi qaba inay sare u qaaddo xiisadda Bariga Dhexe.

Turkiga ayaa todobaadkii hore ku biiray dowladihii cambaareysay booqashadii wasiirka amniga qaranka Israa’iil ee midigta-fog, Itamar Ben-Gvir, uu ku tagay dhismaha masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus.

Reuters

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post