927 Views

Safaarada Maraykanka ee Ciraaq oo Gantaalo lagu Weeraray

Safaarada Maraykanka ee Ciraaq oo Gantaalo lagu Weeraray
____________________________________________________________________________


Isniin: March 14, 2022

Weerar gantaallo ah ayaa lagu qaaday Qunsuliyadda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Irbil oo ah caasimadda gobolka Kurdistan ee waqooyiga magaalada Ciraaq, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee dowladda dalkaas.

Dadka magaalada ayaa kusoo toosay qaraxyada ka dhashay gantaallada. Sawirro laga qaaday qaraxyada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay baraha bulshada.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Ciraaq ayaa Wakaaladda Wararka ee Associated Press u sheegay in ugu yaraan 6 gantaal lagu tuuray qunsuliyadda Mareyknaka ee Irbil.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo Mareykanka kasoo gaadhay waxa ka dhacay Ciraaq.

Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray.

Irbil waxaa ku yaalla sarumo ay leeyihiin Mareykanka ku sugan dalka Ciraaq. Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post