585 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka

Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi oo la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 16, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Maraykanka, gaar ahaan Washington D.C ayaa kulan la qaatay masuuliyiin sar-sare oo ka socota Golaha Amaanka Qaranka Maraykanka.

Dhinacyada waxaa ay kulan kooda looga hadlay iskaashiga, nabadgelyada iyo dimuquraadiyada iyo horumarinta.

Sidoo kale Muuse Biixi iyo weftigiisu waxay kulamo kale la yeesheen hay’adda Caalamiga ah ee dimu-quraadiyada qaranka Maraykanka (National Endowment for Democracy) iyo Baanka Adduunka (World Bank).

Madaxweynaha Somaliland iyo wafdiga uu hoggaaminayo eek u sugan Magaalada Washington, waxaa ay halkaa ka wadaan kulamo is daba joog ah oo ay la qaadanayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda mareykanka, iyadoo kulamadaas ay la xiriiraan wada shaqeyn iyo xiriir ay dhinacyada yeeshaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post