540 Views

Ruushka oo Dalal Madaxbanaan u aqoonsaday Gobollada Donetsk iyo Luhansk

Ruushka oo Dalal Madaxbanaan u aqoonsaday Gobollada Donetsk iyo Luhansk
____________________________________________________________________________

Talaado: February 22, 2022

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa wareegto uu soo saaray ku shaaciyay in laba gobo loo kamid ah Ukraine uu u aqoonsan yahay dalal madax bannaan.

Labada gobol ayaa kala ah Donetsk iyo Luhansk, waxaana sanadihii dambe ku dagaallamayay xoogag gooni u goosad ah oo taageero ka helaya Moscow iyo ciidamada Ukraine.

Aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa sheegay in Putin uu go’aankaas ku wargeliyay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka.

Waddamada Galbeedka ayaa marar badan uga digay Ruushka inuu dalal madax bannaan u aqoonsado gobolladaas, waxaana la filayaa in tallaabadan ay soo xirto albaabka wadaxaajoodka.

Putin ayaa sheegay in Ukraine aanay lahayn taariikh waddan sax ah, waxaana uu madaxda dalkaas ku eedeeyay waddaniyad been ah iyo musuq maasuq.

Warbaahinta Dalkaasi ayaa tebisay in tallaabada xigta ay noqon karto in Ruushka uu ciidamo u diro gobolladaas, kadibna ay halkaa kula dagaallamaan xooggaga Ukraine.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post