846 Views

Weerar ka dhacay saldhiga Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool

Weerar ka dhacay saldhiga Magaalada Xudur ee  Gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya  Magaalada Xudur ee  Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya  Al-shabaab iyo Ciidanka Koonfur Galbeed uu ka dhacay Magaladaas.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Saldhig ay Ciidanka Koonfur Galbeed Magaalada Xudur, waxaana lasoo sheegayaa in uu khasaare kala duwani uu ka dhashay dagaalkaas.

Goob joogayaal ku sugan Xudur ayaa ku warramay in ay maqlayeen jugta hubka kala duwan ee la isku adeegsanayay, balse lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas ka dhacay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al-shabaab, inkastoo aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post