357 Views

Weerar ka dhacay Daanta Galbeed oo lagu dilay laba Falastiiniyiin iyo sarkaal Israa’iili ah

Weerar ka dhacay Daanta Galbeed oo lagu dilay laba Falastiiniyiin iyo sarkaal Israa’iili ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Ciidamada Israa’iil ayaa toogasho ku dilay laba nin oo hubeysan oo Falastiini ah Arbacadii, kadib iska horimaad ka dhacay meel u dhow xuduudka la haysto ee Daanta Galbeed, kaas oo sidoo kale lagu dilay sarkaal ciidan, sida uu sheegay afhayeen u hadlay milateriga Isreal.

Daanta Galbeed oo ka mid ah dhulka ay Falastiiniyiintu dawladnimada u raadinayaan, ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhacayay rabshado isa soo taraya, iyadoo Israa’iil ay xoojisay duullaanka kadib markii ay bateen weerarro halis ah oo Falastiiniyiintu ay ka geysteen magaalooyinkeeda.

Kahor waaberigii Arbacadii, ayuu yiri afhayeenka milatariga, waxa uu sheegay inay bartilmaameedsadeen laba nin oo lagu arkay iyaga oo kusoo wajahan xayndaabka Israa’iil ee ku taal soohdinta Daanta Galbeed ee u dhow Jenin, magaalada Falastiiniyiinta oo ay ku dhowdahay habeennimadii isku dhac dhinacyada.

Waxa uu sheegay in ragga la toogtay la sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsan ciidanka Isreal.

Guutada Jenin oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo falastiiniyiin ah ayaa sheegtay in labada nin ee hubeysan ee la dilay ay ka tirsan yihiin, waxayna xaqiijiyeen inay dileen sarkaal ka tirsan ciidamada Israel.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post