795 Views

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid oo iclaamiyay afti dadweyne

____________________________________________________________________________

Talaado: December 14, 202

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa Isniintii shalay aheyd sheegay, inuu 25-ka bisha July qaban doono afti dadweyne oo shacabku go’aan uga gaari doonaan isbeddal uu maamulkiisa ku sameeyay dastuurka dalkaasi.

Bisha July ayaa ee sannadka danbe ayaa ku beegnaan doonto sannad-guurada koowaad ee marki uu madaxweyne Qeys awooddii dastuuriga aheyd uu kala wareegay ra’isulwasaarihi hore kaddibna uu kala diray baarlamaanka, arrintaas oo ay mucaaradka kasoo horjeeda isaga ku tilmaameen afganbi.

Khudbad laga baahiyay telafishanka oo uu Qays Saciid xalay jeediyay, ayuu sidoo kale ku sheegay, in baarlamaanka uu howlgab ahaan doono ilaa ay shacabka reer Tunis kasoo dooranayaan baarlamaan cusub 17-ka bisha December ee sannadka 2022-ka.

Wali wax jawaab ah arrintani kama aysan soo bixin mucaaridka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post