516 Views

Qaramada Midoobay oo 3 bilood oo kaliya u cusboonaysiisay maraakiibta la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida

Qaramada Midoobay oo 3 bilood oo kaliya u cusboonaysiisay maraakiibta la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida
____________________________________________________________________________

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Jimcihii in ciidamada badda caalamiga ah ay sii wadaan adeegsiga dhammaan hababka lagama maarmaanka ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaaliya laakiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afartii sano ee lasoo dhaafay aysan dhicin falal burcadnimo loona baahan yahay xilligii lasoo afjari lahaa.
Golaha ayaa muddo 12 bilood ah dib u cusboonaysiinayay oggolaanshaha ururrada gobolka iyo dalalka ay kula dagaallamayaan budhcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Geeska Afrika. Balse sanadkan dowladda Soomaaliya oo ogolaansho looga baahan yahay ayaa ka hortimid dib u cusbooneysiin sanad kale ah oo uu dalbaday dowladda Mareykanka oo soo diyaarisay qaraarka, waxaana ay ogolaatay kaliya seddex bilood ka dib wadahadalo lala yeeshay Mareykanka iyo xubnaha kale ee golaha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post