474 Views

Markabka Ukraine oo haruur sida oo soo gaaray biyaha Turkiga..

Markabka Ukraine oo haruur sida oo soo gaaray biyaha Turkiga..
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2022

Waxaa biyaha waddanka Turkiga soo gaaray markabkii ugu horreeyay ee haruur sida, kaas oo ka soo shareecday waddanka Ukraine, tan iyo markii uu Ruushku duulaan ku qaaday dalkaasi.

Markabka Razoni, oo uu ka babanayo calanka dalka Sierra Leone, ayaa Isniintii shalay ka soo amba baxay magaalada Odesa.

Waxaa la rajeynayaa in dhoofinta galleyda Ukraine ee dib loo billaabay, ay khafiifin doonto dhibaatada cunto-yarida ee soo wajahday caalamka, taas oo ka dhalatay markii uu Ruushka xannibay dekedaha Ukraine ee ku yaalla Badda madoow.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post