1461 Views

Ciidamada Isbaheysiga Yeman oo burburiyay Dooni Shixnad Hub ah u sidday Xuutiyiinta

Ciidamada Isbaheysiga Yeman oo burburiyay Dooni Shixnad Hub ah u sidday Xuutiyiinta
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 1, 2021

Telefeshinka Dowladda Sacuudiga ayaa sheegay in  Ciidamada Isbaheysiga ay burburiyeen dooni  xuutiyiinta Hub iyo walxaha qarxa u sidday, kadib weerar ka dhacay koonfurta badda cas.

Dhawr jeer oo Kooxda Xuutiyiinta ay Gantaalada ballistic-ga iyo Diyaaradaha aan duuliyaha laheen ay ku waxyeleyeen qeybo kamid ah Sucuudiga, ayaay Ciidamada isbahaysigu go’aansadeen in ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah dagalamayaasha Xuutiyiinta, si awoodooda loo wiiqo.

Dhanka kale, warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in todobaadkan weerarro ay ka geeysteen Garoonka caalamiga ah ee Sanca, iyaga oo adeegsanaayo Diyaaradaha aan duuliyaha laheen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post