1410 Views

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Maanta xukun riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Maanta xukun riday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 11, 2021—Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin lagu helay in qof Shacab ah uu ku diley meel kamid ah Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, dilkaas oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Maalma kadib ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda Eedeysanaha, waxa ayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.

Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.

Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Cumar Muxudiin Maxamuud ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post