369 Views

Nin 18 sano nolohiia ku qaatay garoonka diyaraadaha Paris oo dhintay waxaana la helay isagoo kumanaan Euro ay ku jirto boorsooyinkiisa

Nin 18 sano nolohiia ku qaatay garoonka diyaraadaha Paris oo dhintay waxaana la helay isagoo kumanaan Euro ay ku jirto boorsooyinkiisa
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Markii uu ku dhex dhacay kala qeybsanaan dibloomaasiyadeed ayaa Mahran Karimi Nasseri oo u dhashay dalka Iran wuxuu gurigiisa ka dhigtay goob aad u yar oo ku taalla garoonka diyaraadahaRoissy Charles de Gaulle ee magaalada Paris sanadkii 1988.

Waayo ragnimadiisa waxay keentay in sanadkii 2004 laga sameeyo fillim la magac baxay The Terminal oo uu aktar ka yahay Tom Hanks.

Mr Nasseri ugu dambeyntii waxaa la siiyey xaq in uu u leeyahay in uu ku noolaado dalka Faransiiskalaakiin hadana dib buu ugu soo laabtay garoonkii diyaaradaha toddobaadyo yar ka dib halkaas oo si dabiici ah ugu dhIntay , sida sarkaal garoonka diyaraadaha ka tirsan uu sheeegay.

Ninkan wuxuu dhashay 1945tii isagoo ku dhashay gobolka Khuzestan, markii ugu horreysay wuxuu u duulay Yurub isagoo raadinaya hooyadiis .

Sanado ayuu ku qaatay isagoo ku nool dalka Beljam isagoo laga soo masaafuriyey dalal ay ku jiraan Ingiriiska , Netherlands iyo Jarmalka sababta looga soo eryeyna waxay aheyd in aanu wadan dukument sax ah oo uu ku safro.

Ka dib waxaa uu soo aaday dalka Faransiiska , halkaas oo uu gurigiisa ka dhigtay terminaalka garoonka diyaraadaha ee Pari.

Waxaa uu isku wareejiyey waxyaabo uu soo aruuriyey oo cashad ka sameystay , wuxuuna waqtiga isku dhaafinayey in uu wax ka qoro noloshiisa uuna akhriyo buugaagta iyo wargeysyada .

Sheekadiisa waxay soo jiidatay dareenka warbaahinta oo agaasiamay caalamka waxayna ishiisa ku dhacday Steven Spielberg oo agaasimay filimka The Terminal waxaana jilay Tom Hanks iyo Catherine Zeta-Jones.

Filimka markii la dhigay ka dib ayey warfidiyeenkii ku soo yaaceen iyagoo ka soo arkay filimka mararka qaarna waxaa dhacday in Nazzeri uu hal malin oo keliya bixiyo lix wareysi.

Inkastoo uu helay aqoonsi qaxootinimo iyo xuuuqda in uu joogi karo dalka Faransiiska sanadkii 1999 wuxuu joogay oo uu ku noolaa garoonka diyaaradaha ilaa 2006 markaas oo loo qaaday isbitaalka si loogu daweeyo loogana daweeeyo xanuun hayey

Ka dib waxaa uu waqti ku qaatay in uu ku noolaado goob hotel oo kale ah isagoo isticmaalaya lacagtii uuu ka helay filimka.

Sidoo kale Mr Nasseri wuxuu ku soo laabtay garoonkii diyaraadaha dhowr toddobaad ka hor halkaas oo uu ku noolaa ilaa uu ka dhinto Waxaa la helay la helay isagoo kumanaan Euro ay ku jirto boorsooyinkiisa

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post