660 Views

Mareykanka oo digniin hor leh kasoo saaray xaaladda Itoobiya

Mareykanka oo digniin hor leh kasoo saaray xaaladda Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mareykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya uga digay in aan lasoo daadgureyn doonin waa haddii ay faraha ka baxdo xaaladda Itoobiya.
Sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya in si deg deg ah ay uga soo baxaan dalkaas.

Wuxuu intaa ku daray in xukuumadda Washington aysan heyn qorshe ay ku abaabuleyso daadgureyn ballaaran oo loo sameynayo dadkaas sida Mareykanka uu muwaadiniintiisa uga daadgureeyay Afghansitan.
Mareykanka iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Itoobiya iyo TPLF cadaadis ku saarayaa inay soo afjaraan dagaalka kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof halka 2 malyan qof ay ka qaxeen tan iyo markii uu bilowday sanad ka hor.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post