1290 Views

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kulan Ka Yeeshay Xaaladda Cudurka COVID-19

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Kulan Ka Yeeshay Xaaladda Cudurka COVID-19
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray inta uu socday xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya, isla markaana laga diiwaan-geliyay kiisas farabadan.

Guddoomiye Cumar Finish iyo ku-xigeenadiisa ayaa sigaar ah uga wada hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa wacyi-galinta Bulshada Caasimadda dalka ee Muqdisho laga siinayo Cudurka COVID-19.

Duqa Muqdisho ayaa faray Guddoomiye degmooyinka Gobolka Banaadir inay dardar-geliyaan wacyi-galinta la siinayo Bulshada, si bulshada uga fogaato faafida Cudurka, ayna joojiyaan isugu imaatinada.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayaa si maalinla ah u shaacisa kiisas farabadan oo xanuunka COVID-19 laga diiwaan-geliyay Magaalada Muqdisho, waxaana Cudurka u muuqdaa mid kusii faafaya gudaha Magaalada.

Warbixintii ugu dambeeysay ee Wasaaradda Caafimaadka soo saartay  ayaa waxaa ay ku sheegtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga helay 304 qof oo kaliya Gobolka Banaadir laga helay 147 ruux

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post