420 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah dalkaas waxaa ay ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeysta dalkaas.

Muwaadinka oo lagu Magacaabi jiray Cabdalla Nuuradiin ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Gugulethu Ee Hoostagta magalada Cape town ee dalka koonfur afrika

Allaha ha u naxariistee muwaadinka ayaa la sheegay in burcad hubeeysan ay dukaanka ugu galeen isagoo kaligiis ah kadibne ay dhowr xabadood ku dhufteen

Ciidamada ka tirsan booliska magalada Cape town oo gaaray dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada dilka ah kooxdi burcada aheyd ee ka dambeeysay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post