681 Views

lhan Cumar oo ka jawaabeysa sheegashadii Trump ee ahayd in uu “ku guuleystay” doorashada ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay

lhan Cumar oo ka jawaabeysa sheegashadii Trump ee ahayd in uu “ku guuleystay” doorashada ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay
____________________________________________________________________________

lhan Cumar oo ka jawaabeysa sheegashadii Trump ee ahayd in uu “ku guuleystay” doorashada ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay “ma hor istaagi kartid in codadka la tiriyo”.

“Tani ma aha keligii telisnimo,” ayay tiri.

“Waxa la yaabka leh waa in dad ay Mareykanka u badalayaan sida Soomaaliya, iyagoo ogolaanaya in Trump uu sameeyo wax la mid ah arrimihii ay sameyn jireen keligood talisyadii Soomaaliya.”

“Hurdada ka kaca, wuxuu sameynayaa wax kastaa oo uu ku kala geyn lahaa. Waxaa kor-joogto doorasho u dirna dalalka kale, uma baahnin in teenna la kor-meero”, ayey sheegtay Ilhan.

Sidoo kale xubno sare oo Xisbiga Dimuqraaddiga ka tirsan ayaa ka carooday hadalka Trump.

Amy Klobuchar, oo sanatar ka ah gobolka Minnesota, ayaa tiri: “Dhammaan codadka waa in la tiriyaa. Waxaan ku nool nahay dimuqraaddiyad.

Haweeneyda loo saadaalinayo inay mar kale ku guuleysato New York, Alexandria Ocasio-Cortez, ayaa cambaareysay sheegashada Trump iyadoo ku tilmaantay “mid aan sax ahayn, halis ah, oo keligii talisnimo ah”.

“Tiri Codadka. Xushmee natiijada,” ayay ku soo qortay barta Twitter-ka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post