1932 Views

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya Oo Laga saaray Liiska Ciidamada kadib Xukun ku dhacay

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya Oo Laga saaray Liiska Ciidamada kadib Xukun ku dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho , July 04, 2018 —Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday Saddex Alifle ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid Cumar Cusmaan oo lagu eedeeyay isku day dil uu la damacsanaa Taliyihiisa sida ay sheegeen Dacwad oogayaasha Maxkamadda.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya ku eedeeyay amar diido, isku day dil iyo hanjabaad waxayna Maxkamadda ku xukuntay 3 sano Xabsi ah, Ka xayuubin Darajadii Ciidan iyo ka saaridda Liiska ama diiwaanka Ciidamada Soomaaliya waxaana go’aanka Maxkamadda ku dhawaaqay mid ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow).
Saddex Alifle ka tirsan Booliska Soomaaliyeed Saciid Cumar Cusmaan ayaa 30-cisho gudahood ku qaadan karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya sida maanta laga sheegay Xarunta Maxkamadda.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment