897 Views

C/Raxmaan Ceynte oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxda DFS

C/Raxmaan Ceynte oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxda DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 09, 2019 —asiirkii hore Qorsheynta Xukuumaddii hore ee Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cali Caynte ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay xaalada dalka ka jirta ay aheyd mid ay ka walaacsan yihiin,isaga oo si kulul uga hadlay dhacdooyinkii kala duwana ee ka dhacay Soomaaliya inta ay jirto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Isaga oo ka qeyb-galayay barnaamij ka baxayay Tv-ga RTN ayuu sheegay in Madaxda Dowladda federaalka ee hadda jirta ay aaminsan yihiin inay jirto siyaasad lagu kala adkaado,isla markaana ay doonayaan inay dalkan ku hagaan.

 

“Khilaafka Dowladda & Dowlad Goboleedyada waa mid salka ku haaya kala argti duwanaan laakin Madaxda Dowladda waxaa ay aaminsan yihiin in siyaasad lagu kala adkaado in dalka ku maamuli karaan,waxaana ay cadaw u arkaan dadka siyaasiyan uga soo horjeedo,dalkaana madaxdii hore waxaa ay halkan noo soo garsiiyeen dowladnimo leysla ogol yahay ayuu yiri C/Raxmaan Ceynte.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in xilligaan dalka uusan joogin waqti xoog dadka lagu maquuniyo balse Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay sameeyaan tanaasul iyo inay wax ku raadiyaan dib u heshiisiin,hayeeshee uu sheegay in ahdii dalka uu sidaan kusii socdo la arko doono maamulo dhahaya ma aqoonsanin dowladda federaalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment