1407 Views

Kenya afduub loo geystay gabdho Soomaali ah iyo kuwa la helay maydkooda

Kenya afduub loo geystay gabdho Soomaali ah iyo kuwa la helay maydkooda
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Kenya waxaa aad looga hadal hayaa afduub loo geystay gabdho Soomaali ah iyadoo qaar kamid ah gabdhahaas aanan ilaa hadda la ogeyn halka jaan iyo cirib ay dhigeen.

Cabsi iyo welwel ayaa lasoo deristay shacabka ku nool magaalada Nairobi kadib markii afduub loo geystay tiro gabdho ah oo.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya ayaa ugu baaqay laamaha amniga inay ka hortagaan afduubka isla markaana ay ilaaliyaan amniga dadka rayidka ah.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Kamukunji ayaa sheegay in maalmihii dambe ay soo bateen tacadiyadda ka dhanka ah gabdhaha Soomaalida

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa qaar kamid ah gabdhahaas la qafaashay.

Hibo Faaraax oo la waayay halka ay jaan iyo cirib dhigtay ayaa dib loo helay kadib markii la sheegay in baabuur uu dhigay mid kamid ah waddooyinka xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Gabdhan ayaa shaley subixii xaafaddooda ugu dambeysay xilli ay aaday iskuulka, wararka qaar ayaa sheegayaa in arrintani ay ka dambeysay markii la bixiyay lacag madaxfurasho ah, BBC-da si madaxbananaan uma xaqiijin karto arrintaas.

Waxaa xaley waddooyinka xaafadda lagu arkayay dadweyne badan oo kusoo xoomay gabdha la helay.

Dadweynaha ayaa walaac ka muujinayaa falalkan xilli mas’uuliyiinta iy waxgaradka ay ugu baaqeen waaliddiinta inay ilaashaadaan gabadhadooda ama carruurta xilliyada ay iskuulka aadayaan.

Xafso Maxamed Luqmaan

Xafso Maxamed Luqmaan waxaa laga afduubtay xaafadda California oo ka tirsan Isli, waxaana lala qafaashay gabadh kale oo la yiraahdo Xafso, sida ay ku warrameyso warbaahinta Kenya.

Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada oo ay ka soo muuqatay mid ka mid ah gabdhahan, waxay sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan illaa $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

Gabadha ka soo muuqatay fiidiyowga waxaa wejigeeda ku yaalla dhaawacyo xun. Da’deedana waxaa lagu sheegay 23 sano, sida uu qoray wargeyska Standard ee Kenya.

Wargeyskaas oo soo xigtay dumaashigeeda oo lagu magacaabay Cumar Ibraahim, wuxuu qoray: “Dadkii afduubtay waxay farriin noo soo qoreen Arbacadii, waxayna sheegeen in madax-furashada ay doonayaan”.

“Waxaan ka walwaleynaa in ay dhibaato u geystaan”, ayuu hadalka ku sii daray, sida ku xusan Standard.

Muuqaalka la baahiyay oo 35-ilbiriqsi ah waxaa ka muuqatay gabadha oo indhaha ay u xiran yihiin, wejigeedana uu ka muuqday jir-dilay, waxay ku tiri: “Waa la i afduubtay, lacagna way rabaan. Fadlan soo dira”.

Xildhibaan Yusuf Xasan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in booliska ay qaadaan ficil degdeg ah oo “lagu ilaalinayo bulshada bartilmaameedka ah iyo xaafaddooda

Xafsa Cabdi Axmed

Xafsa Cabdi Axmed, waxay ahayd gabadh ka ganacsata qudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.

Shiindheys Sheekh Nuur, oo dhashay Xafsa Cabdi, waxay Universal Somali TV u sheegtay: “Gabadheyda waxay ka shaqeyneysay beer Bura ku taalla. Aniga in ay qaraha ku maqantahay baan ogaa, waxaana maqlay in gabadha Nairobi lagu afduubtay. Waa la ii keenay sawirkeeda.”

Waxay dhiganeysay Jaamacad, waxayna ahayd qof isku filan oo shaqeysata. Waxaa la aaminsan yahay in lala afduubtay gabadh kale oo lagu magacaabo Xafsa Luqmaan.

Xildhibaanka degmada kamukunji – oo Islii ay ka tirsan tahay – Yusuf Xasan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in ay ka walaacsan yihiin sare u kaca “afduubka” iyo rabshadaha kale ee degmada.

Xildhibaan Falxada Deeqow Iimaan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa ka codsatay laanta dambi baarista ee Kenya in si deg deg ah uga hortaggaan afduubka loo geysanayo gabdhaha.

Waxay sheegtay in dhacdooyinka ay muujineyso dhibaatada iyo tacadiyadda lagu hayo bulshada Soomaalida ah isla markaanka la weydisanayo qoysaska dhibanayaasha lacag madaxfursho ah.

Najma Cabdullahi Macallin

Najma Cabdullahi Macallin oo ka mid ahayd ardaydii sannadkan ka baxay dugsiga sare, ayaa ugu dambeyn meydkeeda oo ay ka muuqdeen dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.

Ilaa iyo hadda, waxaa gacanta lagu soo dhigay hal qof oo dumar ah oo loogu shakisanyahay in dilka gabadhaas ay ka dambeysay.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada gabadhaas la dilay ayaa BBC Somali u sheegay in “gabadha markii hore la soo helay iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen, ka dibna isbitalkii la geeyay ay ku dhimatay”. Halkaas waa meesha ay qoyska ka heleen.

“Waxay dhaawacyada oga yaalleen laba dhinac ee wejiga iyo ilkaha hore iyo kellida”, ayuu yiri Xasan bashiir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post