1947 Views

Gen. Gorod oo digniin u diray ciidanka xoogga dalka

Gen. Gorod oo digniin u diray ciidanka xoogga dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 13, July 2018 – Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska ciidanka xooga dalka ayaa waxa ay bilaabayaan dib u howlgalinta xarumihii ciidamada ee gobolada dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidamada ayaa shalay koormeeray talisyada ciidamada ay ku leeyihiin gobolka shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in aysan aqbali doonin askari dhibaateynaya shacabka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ka howlgala gobolada dalka looga baahan yahay iney dhaca iyo dhibaatada ka joojiyaan shacabka.

Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali Xasan (Amar dambe) ayaa sheegay in ay dib u howlgelinayaan xarumihii ciidamada ee gobolada dalka, Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan xuquuqda ciidamada dibna u howlgelinayaan xarumihii ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyeyaasha ciidamada iyo xubnaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa maalmihii dambe koormeer ay ku sameynayay xarumihii ciidamada ee gobolada dalka iyo duleedka Muqdisho.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment