879 Views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku baxay degaan uu dagaal ka dhacay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku baxay degaan uu dagaal ka dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-12-2020–Ciidamada ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya Gaar ahaan Qaybta 21aad ayaa ku Baxay Deegaanka Shabeelow oo hoostaga Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo Maanta uu dagaal culus ku dhex-maray dadka degaanka iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo Dad Shacab ah iyo barakac ay sameeyeen dadka degaanka lagu dagaalamay si khasaaro kale u soo gaarin.

Wararka laga helayo Deegaanka Shabeeloow oo 20 km bariga kaga beegan Magaalada Bacadweyne ayaa waxaa ay sheegayana in isgaariinta degaankaas ay hawada ka maqan tahay taas oo keentay in warar rasmi ah aan laga heli karin degaanka.

Wararka qaar ee la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Shabeelow, taas oo keentay in Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 21aad ay ku baxaan.

Wararka kusoo kordha xaalada Deegaanka Shabeelow oo hoostaga Magaalada Bacaadweyne kala socda www.radiorisaala.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post