879 Views

Soomaaliya oo ka qaybgashay bandhigga Ganacsiga ee Qaaradda Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay bandhigga Ganacsiga ee Qaaradda Afrika
____________________________________________________________________________


khamiis: October 21, 2021

Iyadoo mudooyinkan dambe ay caasimadda Addis Ababa ka socotay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayey arrimaha dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga wadamada Afrika ayna ka qayb galeen in ka badan 30- dawladood ayaa maanta waxaa loo gudbay qaybta soo bandhigidda Ganacsiga Afrika, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo si buuxda u metelayey Dawladda Soomaaliya.

Madasha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qalabka dhaqanka ee waddamada ka qayb galay munaasabadda, iyadoo madaxda safaaradda Soomaaliya ay booqdeen kana dukaamaysteen goobta lagu soo bandhigay qalabyada kala duwan, inkastoo aysan suurta gelin in madasha la keeno qalabka dhaqanka ee u gaarka ah Soomaaliya.

Madasha markii ay soo idlaatay kadib waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Mustafe Mahdi Cashuur u qaybsanaha ganacsiga safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia, isagoo si kooban u sharaxay qaabkii ay Soomaaliya uga qayb gashay madasha iyo waxyaalaha looga hadlay.

Qunsulka labaad ee safaaradda Soomaaliya dalkan Ethiopia Cali Xuseen Maxamed “Atam” dhankiisa sheegay in sanadaha dambe Dawladda Soomaaliya looga baahanyahay diyaar garow heerkiisu sarreeyo oo ka duwan midka aan sanadka kaga qayb galnay munaasabadda dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga Qaaradda Afrika.

Munaasabadahan kala duwan ee la xiriira soo bandhigidda arrimaha dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga qaaradda Afrika ayaa waxay muddo todobaad ah ka socdeen dalka Ethiopia, waxaana Dawladda Soomaaliya ay samaysay bandhig iyo ka aqayb gal heerkoou sarreeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post