2214 Views

General Gorod oo la kulmay saraakiil dhalinyaro ah

General Gorod oo la kulmay saraakiil dhalinyaro ah
____________________________________________________________________________

Muqdsiho | QOL | July 9, 2018 – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas C/wali Xuseen Jaamac iyo Abaandullaha ciidanka xoogga dalka oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa kulan dhiiragalin iyo bogaadin ah u sameeyay saraakiisha dhalinyarada ah ee ka tirsan xoogga dalka.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay sidii saraakiisha dhalinyarada ah ay u hogaamin karaan howlgalada dalka looga xureynayo ururka Al-shabaab

Abaandullaha ciidanka xoogga dalka General Cabdullaahi Cali (Caanood) ayaa waxa uu sheegay in saraakiisha dhalinyarada looga baahan yahay in ay si daacad ah ku hogaamiyaan howlgalada dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/gaas C/wali Xuseen Jaamac (Gorod) ayaa saraakiisha dhalinyarada ah faray in ay u diyaar garoobaan Howlada ka dhanka ah Al-shabaab.

saraakil-dhalinyo-ah-4 saraakil-dhalinyo-ah-2 saraakil-dhalinyo-ah-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment