825 Views

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka billaabaneysa Jowhar

Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka billaabaneysa Jowhar
____________________________________________________________________________

..


khamiis: September 9, 2021

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle waxaa maanta ka bilaabanaysa diiwaangelinta musharixiinta 8 kursi ee Aqalka Sare ku matali doona Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shalay soo saaray liiska Musharixiinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in Maalinta Isniinta ah ee soo socota in ay  bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo socon doonta muddo saddex maalmood ah.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay in diiwaangelinta musharixiinta ay ku egtahay Maalinta Sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11/9/2021.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post