813 Views

Afhayeenka Xukuumada Moalimuu oo shaaciyay in uu shirka Furmayo uuna shir Gudoominayo Rooble.

Afhayeenka Xukuumada   Moalimuu oo shaaciyay in uu shirka Furmayo uuna shir Gudoominayo  Rooble.
____________________________________________________________________________

 

May 22 2021

Afhayeenka Xukuumada Somaliya Macalimuu ayaa goor dhawayd shaaciyay in uu furmayo shirka, waxa uuna shaaca ka qaaday in shirkaas uu shir Gudoominayo Raisal Wasaaraha Somaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu soo dhigay Bogiisa afhayeenka Aqriso

Waxa saaka furmaya Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS.

Madaxda ka qeyb galeysa shirka waa ay soo wada xadireen, waxa u dambeeyay oo goor dhow inshallah soo dagaya Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe)

Sidoo kale Shirka waxaa shir guddoomin doono Ra’isul Wasaare Mohamed Hussein Roble waxa uuna ka dhacayaa Afisyoone oo ah halkii ay caadiyan ka dhacayeen kulamadii u dambeeyay.

Akhbaaraadka la xiriira furitaanka shirka iyo waxii kale ee soo kordha waa idiinla soo wadaagi doonaa had iyo jeer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post