1107 Views

Madaalihii Hobolada Waaberi Cumar Shooli oo geeriyoodey

Madaalihii Hobolada Waaberi Cumar Shooli oo geeriyoodey
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 15 2020 –Allaha u Naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Madaalihii Hobolada Qaranka Waaberi Fanaankii Weynaa ee Cumar Cabdulle Shooli.

 

Fanaanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay uu ku xanuun sanayay oo lagu daweynayay mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ugu dambeyn ku geeriyoodey sida uu sheegay Wiilkiisa oo lagu Magacaabo Axmed Cumar Shooli.

 

 

 

Fanaankii Weynaa Cumar Shooli ayaa waxaa uu ka tegay Carruur dhowr ah,waxaana dhawaan la arkey muuqaal uu kasoo duubey mid kamid ah TV-yada ka howlgalla Muqdisho,isaga oo ku xanuun sanaya mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho,wuxuuna baaq u direy Madaxda dowladda inay wax u qabtaan.

 

Fanaaniinta kala ah Hibo Nuura iyo Salaad Darbi oo ay ka wada mid ahaayeen Hobolada Qaranka Waaberi ayaa waxaa ay sheegeen in Cumar Shooli uu kaalin weyn ku lahaa horumarinta Fanka Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment