1170 Views

Kuuriyada Waqooyi: Maxaad ka taqaannaa awoodda 12-ka nin ee ilaaliya Kim Jong-un?

Kuuriyada Waqooyi: Maxaad ka taqaannaa awoodda 12-ka nin ee ilaaliya Kim Jong-un?
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Waxaa caalamka oo dhan laga arkay 12 waardiye oo uu leeyahay madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, kuwaasoo garab yaacaya gaarigiisa xilli uu ku sugnaa waddanka Singapore.

Raggaas waxaa saaran mas’uuliyad aad u weyn oo la xiriirta dhinaca amniga, dowladda Kuuriyada Waqooyina waxay diyaar u tahay inay wax walba sameyso.

Michael Madden, oo falanqeeya arrimaha amniga ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixinaya kooxdaas ragga ah.

Waa sidee awoodda ilaalada Kim Jong-un?

Inta uu Kim ku sugan yahay gudaha waddankiisa Kuuriyada Waqooyi, ilaaladiisu waxay sameeyaan saddex saf oo hareerihiisa ah.

Halka ay ilaalada qaarkood garab ordayaan gaariga madaxweynaha, kuwo kalena waxay ku dhex jiraan dadka shacabka ah ee lugeynaya. Dhammaantood waxay ka tirsan yihiin askarta Xarunta Xisbiga Dhexe ee talada haya, oo si rami ah loogu yaqaanno Xafiiska mintidiinta.

Waxay isku dhirir yihiin madaxweynaha

Ilaalada madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi waxaa markii hore laga soo xulay militariga dalkaas. Shuruudo gaar ah ayaa lagu soo qaatay, waxaana ka mid ah dhirirkooda.

Waa inay la dhirir ekaadaan hoggaamiyahooda. Sidoo kale waa in aragtidooda ay noqoto mid aad u heer sarreysa.

Waa inay xirfad sare u leeyihiin toogashada, dagaalka lagdinta, karateega iyo feerka.

Mid kasta oo ka mid ah marka la qorayo waxaa laga soo baaraa qoyskiisa iyo jiilalkii ka horreeyay ee ay isku ehelka ahaayeen.

In badan oo ka mid ah ciidanka mintidiinta waxay qoys ahaan xiriir dhalasho wadaagaan Kim Jong-un, ama waxay kasoo jeedaan beelaha waaweyn ee Kuuriyada Waqooyi.

Marka la aqbalo inay ilaalada ka mid noqdaan (awood uma laha inay diidaan), waxaana loo sameeyaa tababar aad u sarreeya. Ilaaladan waxaa la baraa xirfado khaas ah.

Tababarkooda waxaa qeyb ka ah in lasii xoojiyo xirfadahooda isticmmaalka hubka iyo shiishka, dagaalka gacanta iyo lugta.

Ilaalada ku hareereysan madaxweynaha waxay leeyihiin aragti gaareysa 360 digrii, waxayna arki karaan ficillada ay sameynayaan dadka ka fog goobta uu hoggaamiyaha ku sugan yahay.

Horay waxaa madaxweynaha ka socda saddex ilaa shan ka mid ah ilaalada, oo uu ku jiro agaasimaha ama taliyaha ciidanka mintidiinta.

Garbihiisa waxaa socda afar ama lix waardiye oo labo ama saddex ka mid ah ay ka xigaan dhinaca midig.

Afar waardiye ama shan kale ayaa gadaal ka socda madaxweynaha. Ilaaladan waxay isla qaabkaas u waardiyeeyaan gaariga madaxweyne Kim uu ku jiro.

Marka uu madaxweynaha goob ku sugan yahay, ilaalada ayaa ah dadka kaliya ee iyagoo aan dharka ciidamada wadanin loo oggol yahay inay hub heystaan. Inta badan hubkaas waa midka sida darandoorriga u dhaca.

Inkastoo ay hub wataan, shaqadooda ugu badan ilaalo ahaan waa in ay adeegsadaan khibradda ay u leeyihiin eegitaanka dhaqdhaqaaqa dadka ku ag dhow Kim Jong-un iyo inay la tacaalaan khatar walba oo soo wajahda iyagoo isticmaalaya gacmahooda iyo jirkooda kale.

Markii uu noolaa Kim Jong-il, waxaa isaga iyo saraakiisha kale ee la socotaba ilaalin jiray hal qof oo kaliya.

Balse wiilkiisa Kim Jong-un waxa uu shaqaaleysiistay ilaalo aad uga badan kuwii aabihiis. Dhammaantood waxay xiran yihiin suudadka reer galbeedka, sida lagu arkay markii ay ku sugnaayeen Singapore.

Darawalka gaariga ku kaxeeya Kim Jong-un waxaa gacmaha ugu jira qalab ka ilaalinaya inuu ka faro baxsado isteerinka. Sidoo kale waxaa dhagaha ugu jira qalab isgaarsiin ah oo ay iskula hadlaan ilaalada.

Hase ahaatee xirfaddooda wada xiriirka ma aha mid casri ah.

Ciidanka loo yaqaano mintidiinta waxay ka kooban yihiin 200 ilaa 300 oo askari, kalabar ka mid ah waa ilaalio inta kalena waxay isugu jiraan darawaliin iyo farsamo yaqaanno.

Ragga waardiyeeya madaxweynaha intooda badan waxay heystaan khibrad dheer, halka qaarkood ay soo shaqeynayeen ilaa 10 sano.

Cabitaanka, cuntada iyo sigaarka

Wararka ku saabsan booqashadii Kim ee Singapore waxay sheegayeen in saddex diyaaradood ay tageen magaalada Pyongyang.

Ilaalada Kim ayaa la socday diyaaradahaas.

Ragga iyo dumarka la socday waxay sameynayeen wax walba oo ku saabsan madaxweynaha, sida maamulista telefoonnada uu ku hadlayo iyo kumbuyutarrada uu isticmaalayo.

Waxaa intaas sii dheer in ay heysteen dhammaan cabitaannada, raashinka iyo sigaarka ku filnaa iyaga iyo madaxweynaha inta uu waddankaas joogay.

Waxa ay sidoo kale wateen dawooyinka loo baahan karay oo idil iyo dhakhaatiir heegan ah.

Qof walba oo doonaya inuu arko goobta uu madaxweynaha ku sugan yahay, waxaa kasoo horeeyay ilaaladiisa oo la socday dhaqdhaqaaq kasta.

Waardiyeynta noocaasoo kale ah waligeed horay looguma arkin caalamka, sida lagu sheegay baaritaannadii la sameeyay kaddib booqashadii Kim ee Singapore.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post