705 Views

Mukhtaar Roobow uu cuntadii ka soomay gurina isku soo xiray maalmihii la soo dhaafay

Mukhtaar Roobow uu cuntadii ka soomay gurina isku soo xiray maalmihii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

Sabti:Julay 3, 2021

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Mukhtaar Roobow uu cuntadii ka soomay.

Arrintan ayaa waxaa BBCda u sheegay gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo tan iyo markii Mukhtaar Roobow la xiray u ololaynayay sidii loo sii dayn lahaa.

Yuusuf Xasan Mursal ayaa sheegay in lagu soo war geliyay in Abuu Mansuur uu ilaa Khamiistii ka sooman yahay cuntada.

Wuxuu intaasi ku daray in ninkaasi oo ku dhawaad saddex sanadood u xiran Dowladda Dhexe aanan cidina loo ogolaan inay aragto, sidoo kalana aanan wax maxkamad ah la soo taagin.

Illaa hadda ma ay jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan cunnada la sheegay inuu ka soomay Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo las oo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post