84 Views

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Dunida

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Dunida
____________________________________________________________________________

Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jiray dunida.

Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-

1-halganka  xoogagga shaqeeya ee haweenka ay  kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay  1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga  ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriyadda dalka iyo horumarkiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.

Sidoo kale,haweenku waxay door muhiim ah ku lahaayeen  wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Inkastoo,  Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen  dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa  ay ku  guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaaminaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nidaamka hantiwadaagga waxa ay haweenka u aqoobsadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maarmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta  iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan  ragga,

Maanta tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka .

Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas  oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo.

Xigasho: SONNA

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post