405 Views

Somaliland oo rajo ka muujisay inuu dib u bilowdo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland

Somaliland oo rajo ka muujisay inuu dib u bilowdo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland
____________________________________________________________________________


Sabti: June 4, 2022

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii labaad ee uu xilka hayo waxaa horyaala arrimo badan oo aad u adag, waxaana ugu cuslaan doona hannaanka dib-u-heshiisiinta ee uu la yeelanayo Somaliland, waana mid ka mid ah arrimaha qodaxaha leh ee ay iska dhaxlaan madaxda timaada Villa Somalia.

Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Fahmi Kassem, ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Somaliland ay horey ugu dhawaaqday inay gebi ahaanba ka baxday wada-hadallo ay mustaqbalka la yeelan doonto Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligii uu talada dalka hayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Jariidada Al-Taariq, Maxamed waxa uu ku xaqiijiyey in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, uu xoogaa u furan yahay Somaliland, isagoo xusay inay suurtogal tahay in mustaqbalka dib loo bilaabo wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac, haddii ay Somaliland aragto isbeddel ku yimid mawqifyada Dowlada Soomaaliya qaarkood.

Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa xaqiijiyey inay Somaliland waayo-aragnimo u leedahay muddadii ay xilka haysay, isagoo markii ugu horreysay kulan kula yeeshay Ankara Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. waxaana marti galiyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan, iyadoo labada dhinac ay wada hadalkoodii ugu horeeyay ku yeesheen dalka Turkiga.

Qassem waxa uu intaasi ku daray in mudadii u horaysay ee uu xilka qabtay Somalia Xasan Shekh ay jireen heshiisyo horudhac ah, balse farqiga aasaasiga ahi uu mar walba laisla dhaafi wyay wada hadalada ayaa ahaa qadiyada kala tagga iyo midnimada, labadan qodobna dib loo dhigay ilaa ay labada dhinac ka muujiyaan dabacsanaan dhanka wada-hadalka iyo fulinta heshiisyadii hore.

Waxa uu ku micneeyay in uu aad uga duwan yahay wada xaajoodka uu la galay Madaxweynihii isaga ka horeeyay ee M C/llaahi Farmaajo oo caqabad weyn ku ahaa wada xaajoodka, isla markaana uu aad uga meer meray wada xaajoodka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post