915 Views

Roble oo magaalada Nairobi soo gaaray iyo Gudi uu la kulmay caawa.

Roble oo magaalada Nairobi soo gaaray iyo Gudi uu la kulmay caawa.
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 11, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mohamed Hussein Roble iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Nairobi ka dib kulamo ay magaalada Mombasa kula soo qaateen madaxda sare ee dowlada Kenya.

Rooble ayaa inta uu joogo Nairobi la kulmi doona Jaaliyada Soomaalida ee halkaas ku dhaqan, isagoo sidoo kale booqanaya safaarada Somalia ee halkaas ku taalla.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay ku kulmay magaalada Mombasa kadib booqashadii maanta uu dalkaasi ku tagay Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxtooyada Kenya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen dhowr arrimoood oo istiraatiiji u ah danaha ay wadaagaan labada waddan. Waxay sheegeen in qodobada laga wada hadlay ay ugu waaweyn yihiin soo celinta xiriirka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxtooyada Kenya waxay intaas ku dartay in Kenya iyo Soomaaliya ay saxiixeen Guddiga Iskaashiga Wadajirka ah ee 2015-kii. Waxaay sheegeen in Guddigaasi uu qeexayo baaxadda iskaashiga labada wadan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, gaadiidka, difaaca iyo amniga.

Wafdiga Soomaaliya ayaa ka carooday qoraal madaxtooyada Kenya ayaa shirkaasi kadib soo saartay oo lagu sheegay in Uhuru Kenyatta uu ku baaqay in xal saaxiibtinimo ah laga gaaro muranka badda ee labada dhinac, laakiin markii danbe qoraalkaasi madaxtooyada Kenya way ka saartay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post