876 Views

Madaxweynayaashii hore ee Puntalnd Cabdiraxman Farole, Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid oo ka hadlay xaalada Boosaaso.

Madaxweynayaashii hore ee Puntalnd Cabdiraxman Farole, Cabdiweli Gaas iyo Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid oo ka hadlay xaalada Boosaaso.
____________________________________________________________________________

 
Arbaco: December 22, 2021

Madaxweynayaashii hore ee Puntalnd ee kala ah madaxeynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud Farole, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamad Cali-Gaas iyo Ra’iisul Wasaariii hore ee Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake, ayaa kulan la yeeshay xaalada Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay Madaxdaas iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowlada dhexe iyo Puntland ayaa sidaan u qornaa.

 “Waxaan ka tacsiyadeyneynaa khasaarihii naf iyo maal-lahaa ee ka dhashey dagaalkii ayaan-darada ahaa ee ka dhacay magaalada Bosaso 21-22 December. Wuxuu ahaa dagaal dhaawacay niyadda guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaanna dadka reer Puntland oo nabadda iyo wada-noolaashaha astaan u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saaren.

Halkaan hoose ka akhriso 5-ta qodob ee kasoo baxay kulankooda:

1- Waxaan taageeraynaa go’aanka dowladda Puntland ee ah xabad-joojinta, si fursad loo siiyo wadahadalada socda.

2- Si loo xoojiyo wadahadalada nabadeed ee ay ku baaqeen waxgaradka waa in dhammaan Ia joojiyo dhaqdhaqaaq-yada ciidamada ee jira.

3- Waa in Ia ilaaliyo dowladnimada, xasiloonida, nabadgalyada iyo midnimada shacabka Puntland.

4- Waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka aan Ia leenahay dhinacayada ay khuseyso arinkaan si xal-waara looga gaara khilaafka taagan.

5- Ugu danbayn waxaan diyaar u nahay in aan tagno Puntland si aan uga qayb qaadano xal u helidda iyo joojinta iska hor-imaadkan hubaysan si ayaan xabadd dambe magaalada u dhicin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post