1092 Views

Interpol oo diiday codsiga Iran ee ka caawinta xiritaanka Trump

Interpol oo diiday codsiga Iran ee ka caawinta xiritaanka Trump
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 30. 2020–Hay’adda Interpol ayaa sheegtay inaysan tixgalin doonin codsiga Iran ee ah xiritaanka madaxweynaha Mareykanka, taasoo la micno ah in Donald Trump uusan wajihi doonin wax khatar ah oo xarig ah.

Iiraan ayaa horay u soo saartay amarka xiritaan ah ee madaxweyne Trump iyo tobaneeyo kale oo ay rumeysan tahay inay fuliyeen duqeyntii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka lagu dilay sarkaal sare oo reer Iiraan ah oo ku suganaa Baqdaad waqtigaa.

Iran ayaa weydiisatay Interpol inay gacan ka siiso xiritaanka Trump iyo kuwa kale.

Interpol ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso qawaaniinteeda ogeysiisyada inay ka mamnuucayaan “faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed”

Sida wakaaladda wararka Iran ee IRNA ay ka werisay dacwad oogaha Tehran Ali Alqasimehr waxaa uu yiri “cadaymo iyo eedeymo argagixisanimo ayaan haynaa”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post