882 Views

Uganda oo Ciidamo Cusub u soo direysa Soomaaliya

Uganda oo Ciidamo Cusub u soo direysa Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco , Feberaayo 21, 2020 —Dwladda Uganda ayaa kamid ah Dowladaha Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo farabadan,kuwaas oo kamid ah kuwa Midowga Afrika ee ku howlgalla Magaca AMISOM,waxaana dhawaan ay Ciidamo kale u soo direysaa Soomaaliya.

 

Ciidamada Uganda ay keeni doonto Soomaaliya oo tiro ahaan gaaraya 2143 Askari oo ka tirsan Kooxda Soddonaad ee dagaalka ayaa waxaa ay tababar muddo bil ah uga socdey Xerada Singocam oo ah Xarunta Holwgallada taageerada Nabadda loo soo geba gabeeyey.

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Difaaca ee dalka Uganda Jeneraal Devid Muhuuzi oo la hadlay Ciidankaas ayaa kula dardaraamey inay fahmaan taariikhda dalkooda oo lama huraan u ah si ay u noqdaan Ciidan u fiican dalkooda.

 

Waxaa uu u sheegay inay noqdaan kuwo ka Shaqeeya danaha dalkooda,sidoo kalena ay ilaaliyaan anshaxa,isla markaana ay siwadajir ah u Shaqeeyaan xushmeeyaana dadka Soomaaliyeed.

 

Ciidamadaan oo ka tirsan Kooxda Soddonaad ee dagaalka ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

 

Qorshaha ay Dowladda Uganda Ciidamada Cusub ugu soo direyso Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo beegmay,iyada oo Dowladda Uganda ay horay u sheegtay sanadkii hore in Bisha Febaraayo ee sanadkaan 2020 ay la bixi doonto qeyb kamid ah Ciidamada ka jooga Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment