918 Views

Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada

Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 10 2020
—Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 10/9/2020 ayaa qorsuhu ahaa in xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho in uu shir uga furmo Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada, hayeeshee la sheegay in shirkaasi uu dib u dhacay.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha ugu weyn ee keenay in uu baqdo shirka ay tahay in xal laga gaaro khilaaf weli ka dhe-jira Maamul goboleedyada qaarkood sida Puntland & Jubbaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa xalay sidoo kale baaqatay munaasabad casho ah oo loogu talo galay Madaxda Dowlad Goboleedyada,waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu sheegay in uu doonayo in la bilaabo tallaabooyinkii koowaad ee xal ka gaarista arrinta Gobolka Gedo.

Madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug, Hir-Shabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay shir ku yeeshay Baydhabo, iyaga oo sheegay in aysan wax shuruud ah ku xireyn shirka uu ku casuumay Madaxweyne farmaajo, hayeeshee weli ay taagan yihiin caqado uu shirka la furmi la’yahay.

Wararka ugu dambeeya ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maalinta sabtida ah ee soo socota inay maqcquul tahay in uu furmo shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo & Madaxda dowladda, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada Soomaaliya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post